• Latest News

    QISO CAJIIB AH.

    Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri: waxaan soo Galay Masar, waxaan Arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume), isagoo Birta Dabka ugu soo Bixinaayo Gacantiisa Birtii oo Guduudan Gacantiisa ku Ged-gedinaayo, isla markaasna aan ku Gubaneynin. Waxaan is iri Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanayo ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay waxaana ku iri: Walaalkeygiyoow Ilaahaygii kugu Mannaysantay Karaamadaan ayaan kugu Dhaarshee ii Ducee, Markaasuu Ooyey Ninkii Birtumaha ahaa, wuxuuna igu yiri: Wallaahi Walaaloow sida aad i moodday ma ihi. waxaan ku iri: Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo, wuxuuna yiri: Arrintaan waxay ku timid Sheeko yaab badan haddaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn waxaan iri: Haye Haye iiga Sheekee. Haddaba, Wuxuu yiri Ninkii Birtumaha ahaa:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan, waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii timid Naag aanan weli arkin Naag iyada ka Qurux badan, waxayna igu tiri:- Walaaloow wax aad ilaahay dartiisa u Bixinayso ma Haysaa? waxaan ku iri Guriga ma ii Raacaysaa aan ku Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku siinaa ee Cabbaar ayey i Fiirisay weyna iga Tagtay. 

    In muddo ah ayey iga Maqnayd kadib wey ii timid, waxayna igu tiri Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee nakeen. Dukaankii ayaan Xiray Guriga ayaan uwatay markii aan Guriga Galnay waxay igu tiri:- waxaan ka soo tagay Caruur aan Dhalay oo aad u Baahan ee hadda wax yar isii sii aan u sii Geeyee waana kuu soo noqonaa. 

    Wuxuu yiri Ballan Adag ayaan ka qaaday inay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Lacag Dirham ah weyna baxdau, Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo Gashay Albaabka ayaan Xirtay, waxay igu tiri: maxaad u Xirtay Albaabka? waxaan ku iri: Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. waxay igu tiri:- oo maxaad Allaah SW, ooga Baqaynin, ileyn Bini'aadanba wad ka baqdaa. 

    Waxaan iri Allaah SW, waa Denbi Dhaafe, Naxariis badan (Qafuuru Raxiim), ka dib xaggeeda ayaan aaday markaasay Ooysay oo Jaraysay illinteedaba Dhabanada ku soo Hooreen, waxaan ku iri:- maxaad la Ooyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tiri ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa. ka dib waxay igu tiri: Ninyahoow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan qaadi inuusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiroba, wuxuu yiri: waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku iri Gabaryahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiida. Markii ay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waana Seexday, waxaan Riyo ku Arkay Naag aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku Wadato Taaj ka Samaysan yaaquudka Gaduudan, waxay igu tiri:- ilaahay Kheyr ha innaga kaa siiyo, waxaan ku iri: oo Tumaa ahayd ? Waxay igu tiri: waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro. waxaan ku iri: isu kay Sheeg? Qabiilkee ka Dhalatay? Waxay igu tiri: waxaan ka soo jeedaa Nasabka Rasuulka CSW, kadib waxaan Xasuustay Aayaddii Alle ee Ahayd:-(Ilaaheey wuxuu doonayaa, inuu idiin Dhaafo wixii Xumaan ah, Ahlu Beyt-koow oo uu idiin Daahiri Daahirid). 

    Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii, laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo Dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana inaan ku Guban Insha allah.

    (ILAAHOOW, NAARTA NAGA BAD-BAADI, YAA RABBI).
    Wabillaahi Towfiiq.
    • Muxaadaro Comments
    • Facebook Comments

    0 comments:

    Post a Comment

    Fadlan Kureeb Halkaan Fariintaada

    Item Reviewed: QISO CAJIIB AH. Rating: 5 Reviewed By: kalaay
    Scroll to Top